Colaado beeleed laba sano ka taagnaa Mudug oo heshiis laga gaaray
GOLDOGOB —
Shir lagu dhamaynayay colaado beeleed oo labadii sano ee lasoo dhaafay ka taagnaa gobolka Mudug, ayaa lagu so geba-gebeeyay degmada Galdogob iyadoo heshiis ay gaareen beelihii colaadda u dhexeysay.
Shirka oo ay hormuud ka ahaayeen hogaanka dhaqanka iyo qeybaha ayaa lagu kala qaatay magta 26 qof oo ku dhintay dagaalkii u dhexeeyay beelaha.