Guddoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis oo lasii daayey
Muqdisho
MUQDISHO —
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sii daayey gudoomiyihii hore ee degmada Cabdicasiis Cusmaan Muxidiin Cali Cariif oo ka mid ahaa dad banaabax ka dhigayey magaalada Muqdisho.
Banaanbaxa dadkaas ay dhigeen ayaa looga soo horjeeday dowladda Soomaaliya iyo in dib loo dhigo xilliga la qabanayo doorashooyinka Soomaaliya.
Sidoo kale xubno ka tirsan ururada Bulshada rayidka ayaa la kulmey madaxweynaha Soomaaliya oo kala hadleen xaalada dalka iyo arrimaha doorashada.