MUQDISHO —
Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay lacago malaayiin dollar ah oo baanka adduunka toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay inuu Soomaaliya ugu deeqay.
Wasiirka beeraha ee Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo u warramay Idaacadda VOA ayaa sheegay in 120 milion oo dollar ah uu Baanka Adduunka ugu deeqay Soomaaliya taas oo lagu filanyo mashaariic wax looga qabanayo, ka hor-tagga Ayaxa, fatahaadaha iyo xanuunka COVID-19.
Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal ayuu khadka telefonka ugu warramay.
Your browser doesn’t support HTML5