Saldhigga Turkiga ee Muqdisho oo qarax lala beegsaday

Xerada Turkiga ee Muqdisho

Xerada Turkiga ee Muqdisho

Qof ismiidaamiyey ayaa saacadihii hore ee saaka isku qarxiyey afaafka hore ee saldhigga TURK-SOM ee ay dawladda Turkigu ka dhistay magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay qof shacab ah, ayada laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Qofkii is-qarxiyey ayaa sidoo kale geeriyooday. Ilo-wareedyo ayaa VOA u sheegay in xerada ay ka socotay qorista dhallinyaro loo qaadanayo ciidamo cusub oo loo tababarayo dowladda Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Saldhigga Turkiga ee Muqdisho oo qarax lala beegsaday