Askar lagu eedeeyey inay laaluush qaateen oo lagu xiray Muqdisho

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen askar lagu eedeeyey in ay lacago laaluush ah qaateen.

Askarta la xiray oo ka howl-galayey bar kontorool oo ku taalla Muqdisho, ayaa la xiray kadib markii sida la sheegay ay shacabka soo wargeliyeen taliska.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay inay fashiliyeen shaqsiyaad doonayey in ay isku qarxiyaan banaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la fashiliyey qarax kale oo lala damacsanaa muwaadin Soomaaliyeed.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Askar lagu eedeeyey inay laaluush qaateen oo lagu xiray Muqdisho