Galmudug oo laga soo Wariyey Kiisaskii ugu Badnaa ee COVID-19

Kiisaska cudurka COVID-19 ee ay baahisay dowladda Soomaaliya maalintii shalay ayaa waxaa ka muuqatay in cudurku uu ku fidayo deegaanada Galmudug oo laga soo waiyey kiisaskii ugu badnaa eel aga helo deegaanada maamulkaasi.

Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Qaray oo ah Agaasimaha Cisbitaalka magaalada Cadaado ayaa VOA u sheegay in dad gaaraya 110 qof oo ku nool Cadaado oo ay COVID-19 ka baareen ay 47 ka mid ah ka heleen cudurkan.

Haddaba, wariyaha VOA ee gobollada dhexe, Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa Dr. Qaray ka wareystay kiisaskan sii kordhaya ee cudurka COVID-19.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Dr. Cabdirisaaq Qaray