Jen. Cali Gaab oo ka badbaaday qarax lala eegtay gaarigiisa

Jeneraal Cali Gaab

Jeneraal Cali Gaab

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saaka ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdishu.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaari uu la socday ku simaha taliyaha hogaanka caafimaadka ee ciidamada booliska Jen. Cali Xirsi Barre, hase ahaatee taliyaha ayaa ka badbaaday.

Waa markii labaad ee toddobaad gudihiis ah ee qarax lala beegsado gaari uu leeyahay Jen. Cali Gaab, sida uu warbixintan ku eegayo wariyaha VOA ee Muqdisho, Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Muqdisho