Biyo-xireen loo Sameynayo Beledweyne

Wasiirka Boostada iyo is-gaarsiinta dowladda Soomaaliya, Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay, in diyuuraddii ugu horreysay oo wadda agab darbi biyo xireen ah loogu sameynayo magaalada Beledweyne ay maanta tageyso Beledweyne.

Cabdi cashuur ayaa sidoo kale sheegay in sagaal diyuuradood oo kale oo qalabkan ay ku raran yihiin la geynayo magaalada baladweyne si looga hortago fatahaadda laga cabsi qabo inay mar kale dhacdo.

Wariyaha VOAda Cabdulqaadir Samaakab ayuu arrimahasi uga warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Wareysiga Wasiir Canshuur