Haweenka iyo Qoyska: Muna Ismacil iyo Ganacsigeeda Xaaladda Covid 19

Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti iigu ah Muno Ismaaciil Maxamed oo magaalada Colombus ee gobolka Ohio ku leh dukaan lagu iibiyo cunta, qudradda iyo Hilibka ee Maraykanka iyo dalalka kaleba looga yaqaano Xalaal Meat.

Muno waxa uu dukaankeeda ka mid yahay dukaamada shaqeeya xilligan oo ay dadku cabsi badan ka qaban xanuunka COVID 19, iyadoo macaamiisheeda ugu bandanna ay yihiin Soomaali.

Waxa ay barnaamijka Haweenka iyo Qoyska uga warrantay xaaladda ay ku shaqeyso, sida uu yahay xiriirka iyo macaamiisheeda, iyo sida ay u dhaqan galiso amarka ah in la kala fogaado.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska