Ururka dhaqaatiirta oo sharraxay kiisas Covid-19 ee Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay kordheen kiisaska cudurka COVID-19 ee dalka, ayada oo 29 qof oo kale laga helay cudurkan.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee Soomaaliya ay iminka tahay 164 qof, halka 7 qof ay u dhinteen cudurkan, 3-kalena ay ka so bogsadeen.

Haddaba weriyaheena Muqdisho Xasan Kaafi Qoyste ayaa arrimahan ka wareystay Dr. Cabdiweli AxXmed Xiirey, oo ah afhayeenka guddiga ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka CORONAVIRUS ee URURKA dhakhaatiirka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay inuu sharxo kiisaska cusub ee soo kordhay.

Your browser doesn’t support HTML5

Ururka dhaqaatiirta oo sharraxay kiisas Covid-19 ee Soomaaliya