Weriye ka tirsan Goobjoog Media oo lagu xiray Muqdisho

Cabdicasiis Gurbiye

Cabdicasiis Gurbiye

Mid ka mid ah idaacadaha ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in mid ka mid ah weriyayaasooda ay xireen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Saxafiga la xiray ayaa la sheegay inuu yahay Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan weriyayaasha ugu caansan idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaan sababta loo xiray weriye Gurbiye,. Sidoo kale dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin xariga weriyaha.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa xariggan ka waraystay Agaasimaha Gobjoog Xasan Maxamed Maxamuud.

Your browser doesn’t support HTML5

Weriye ka tirsan Goobjoog Media oo lagu xiray Muqdisho