Coronavirus oo saameeyey howlihii xawaaladaha Soomaalida

Xanuunka Coronavirus ee dunida ku faafaya ayaa waxa uu yeeshey saameyn kala duwan, marka laga soo tago dadka uu hayo iyo kuwa u dhimanaya.

Dhinaca dhaqaalaha ganacsiga iyo isku socodka dadka ayaa dhamaanba la yareeyey ama aanan jirin meelaha qaar.

Hadaba, saameynta kala duwan waxaa ka mida Xawaaldaha Soomaalida oo qaarkood ay howlahoodii hakiyeen halka qaar kalena ay xadideen tirada lacagta uu qofku diri karo.

Falastiin Axmed Iiman ayaa warbixintan ku eegeysa sida xawaaldaha Soomaalida ay arrintan u taabaneyso iyo saameynta ay ku yeelaneyso qoysas badan oo ku tiirsanaa lacagaha wadamada reer galbeedka laga diro.

Your browser doesn’t support HTML5

Coronavirus oo saameeyey howlihii xawaaladaha Soomaaliya