Xayiraada duulimaad ee Somalia oo dhaqan gashay

Garoonka Muqdisho

Soomaaliya waxaa maanta ka dhaqangalay go’aankii dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya oo ahaa in dhammaan duulimaadyada caalamiga ee yimaada Soomaaliya la joojiyey.

Illaa iyo hadda ma jiro wax diyaarado caalami ah oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo maalin walba ay soo caga dhigan jireen diyaarado ka yimaada dalal kala duwan.

Duulimaadyada aan magaalada iman waxaa ka mid ah kuwii keeni jiray qaadka ka yimaada dalka Kenya.

Qaadka aan magaalada iman ayaa saameyn ku yeeshay dadkii ka ganacsan jiray iyo qaar ka mid ah ah dadkii isticmaalo jiray.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay weriyaha VOA Seynab Abuukar Maxamed.

Your browser doesn’t support HTML5

Xayiraada duulimaad ee Somalia oo dhaqan gashay