Liiska xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo la shaaciyey

Koonfur Galbeed

Waxaa maanta magaalada magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed lagu shaaciyey magacyada xildhibaanada baarlamanka labaad ee maamulkaas.

Liiska xildhibaanada ee la shaaciyey ayaa ka kooban 95 xildhibaan, waxaana badankood ay yihiin kuwa cusub, ayada oo aysan soo laaban inta badan xildhibaanadii hore.

Xildhibaanadii hore qaarkood ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin go’aanka guddiga ee ay ku waayeen kuraastooda.

Wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ka soo diray halkaas.

Your browser doesn’t support HTML5

Liiska xildhibaanada cusub ee K/Galbeed oo la shaaciyey