Maamulka Gedo oo ka hadlay xaaladda Beledxaawo

Gedo

Xaaladda guud ee magaalada xuduudda ku taallo ee Baladxaawo ayaa degan maanta kadib markii shaley ay halkaasi ka dhaceen dagaallo waxyeelo geystey.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo ka mid ah saraakiisha ku sugan Beledxaawo ayaa VOA u sheegay inay jiraan dad shacab ah dhaawacmay iyo kuwa guryahoodii waxyeelo soo gaartey.

Sahra Cabdi Axmed ayaa kula xiriirtay khadka telefoonka ee Baladxaawo, waxayna guddoomiye ku xigeenka Cismaan Nuur Xaaji (Macalimoow) weydiisay xaaladda magaalada sida ay tahay.

Your browser doesn’t support HTML5

Maamulka Gedo oo ka hadlay xaaladda Beledxaawo