Biixi iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray doorashooyinka

Xisbiyada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland iyo labada xisbi mucaarid ayaa maanta si rasmi ah u wada saxiixay heshiis cusub oo lagu soo afjarayo murankii mudadda dheer ka taagnaa gudidda doorashooyinka iyo qabashada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanada.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Barlenga.

Heshiiska ay dhinacyada saxiixdeen ayaa ogolanayaa in doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanada la qabto sanadkan kadib marar badan oo dib loo dhigay.

Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule

Your browser doesn’t support HTML5

Biixi iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray doorashooyinka