Ciidamada Dowladda oo Weeraray Deegaanka Buur Eyle

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa shalay weerar ku qaaday saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Buur Eyle oo hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ciidamada dowladda ayaa la soo sheegayaa iney muddo kooban la wareegeen deegaanka Buur Eyle, oo ay markii danbe isaga bexeen. Al-Shabaab ayaa dib ugu soo laabatay deegaanka oo ka mid ah kuwa ay kooxdu ku xooggan tahay.

Hal askari ayaa lagu soo warramayaa inuu ku nafwaayay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac. Lama oga khasaaraha gaaray dhinaca malayshiyada Al-Shabaab.

Warbixintan waxaa inoo haya Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal dhexmaray ciidamada iyo Al-Shabaab