Xisbiyada: Biixi wuu ku Fashilmay Hoggaaminta

Xisbiyada Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu Somaliland galiyey khalkhal siyaasadeed, iyagoo sheegay in Madaxweyne Biixi uu burburiyey sida ay hadalka u dhigeen “dimoqraadiyadda Somaliland.”

Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxa ay ku eedeeyeen madaxweyne Muuse Biixi inuuu ku fashilmay hoggaaminta Somaliland, iyagoo soo jeediyey in Somaliland laga qabto doorashooyin waqtigooda laga soo hormariyey oo la qabto sanadkan 2020-ka.

Xisbiyada mucaaridka ayaa Madaxweyne Biixi ka doonaya inuu faahfaahiyo oo uu soo bandhigo macluumaadka la xiriira kulankii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Waxaa kale oo ay dalbadeen in uu ka warbixiyo safarkii la sheegay in Hargeysa uu ku iman lahaa Farmaajo iyo waliba warqaddo ay is-weydaarsadeen Somaliland iyo Ethiopia oo la xiriira arrintaasi.

Your browser doesn’t support HTML5

Xisbiyada Somaliland

Waxaa naga xasuusin ah inaan la xiriirnay dhinaca dowladda Somaliland si ay uga jawaabaan eedaha xibisyada mucaaridka, balse kama aysan jawaabin taleefoonnada. Marka ugu horreeya ee ay hadlaan waan idin la socodsiin doonnaa.