Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo 50 Jirsaday

22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, maanta oo kale ayaa la aas aasay ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ah ciidan si gaar ah ugu xil saaran ilaalinta xabsiyada dalka iyo maxaabiista ku jirtaba.

Munaasabad lagu xusayay 50-guuradii ka soo wareegtay markii la unkay ciidamada asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa ka hadlay ahmiyadda loo aas-aasay ciidanka asluubta oo ay ka mid tahay in la bedelo dhaqanka qofka xabsiga loo taxaabo. “Waa in si aad dadka xiran u toosisaan, aad marka hore idinku noqotaan kuwa toosan oo daahirsan,” ayuu yiri Kheyre.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan ku eegaya 50 sano ka dib xaaladda xabsiyada iyo shaqada ciidamada asluubta ee dalka.

Your browser doesn’t support HTML5

50-guurada ciidamada asluubta