Baarlamanka Galmudug oo doortay guddoomiye cusub

Galmudug

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta doortay guddoomiyihii labaad ee golaha sharci dajinta ee maamulkaasi uu yeesho.

Maxamed Nuur Gacal oo helay 54 cod ayaa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug kaga guulaystay Cabdinaasir Aadan Cismaan oo la tartamayay, kaasi oo hely 34 cod.

Cabdulaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharraxiinta ayaa isaga baxay tartanka, taas oo keentay inay isku soo haraan labada musharax ee Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cismaan.

Gudoonka labaad ee baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo golihiisa ayaa shaqadooda ugu horreysa waxay noqoneysaa inay soo doortaan madaxweyniha cusub ee maamulka.

Doorashadan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku gacan seeray, islamarkaana sheegay in dowladdiisa ay sii shaqeyn doonto.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq

Your browser doesn’t support HTML5

Baarlamanka Galmudug oo doortay guddoomiye cusub