Kalluun kusoo caariyey xeebta Muqdisho oo la baarayo

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay baareyso kalluun tiro badan oo shalay ku soo caariyay qaar ka mid ah xeebaha Muqdisho.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Eng. Maxamuud Cabdullaahi, ayaa VOA u sheegay in kalluunka soo caariyay uu hal nuuc yahay, taasina ay sharaxaad ka bixin karto in aan la sumeyn kalluunka.

Jamaal Axmed Cismaan ayuu qadka telefoonka ee Muqdisho ugu warramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Kalluun kusoo caariyey xeebta Muqdisho oo la baarayo