Howl-gallo dad badan lagu xiray oo ka socda Boosaaso

Boosaaso

Ciidamada ammaanka ee gobolka Bari ayaa magaaladda Boosaaso waxay ka wadeen olole ay xilliga habeenimada ah baaritaano kaga fulinayeen xaafadaha magaaladda, waxaana ciidamadu ay guryahooda ka soo qabqabteen dhalinyaro tiro badan.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxay suuqa weyn ee magaaladda Boosaaso ka soo ururiyeen kabaro ay ganacsatada yaryari ku ganacsadaan, waxaana kabaradaas iiyo hantidii dul saarneydba ay ciidamadu geeyeen garoonka kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan noo soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Howl-gallo dad badan lagu xiray oo ka socda Boosaaso