Baarlamanka Somalia oo ansixiyey miisaaniyadda 2020

Xildhibaanada Soomaaliya

Labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2020-ka oo dhan ku dhowaad 470 milyan oo dollar.

Ansixinta miisaaniyadda ayaa waxaa codka ogolaanshaha siiyey 188 xildhibaan, waxaana diiday laba xildhibaan, sida uu sheegay afhayeenka golaha shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Baarlamanka Somalia oo ansixiyey miisaaniyadda 2020