Maxay ka dhigan tahay sheegashada Shabaab ee qaraxa?

Ismail Dahir Osman

Ismail Dahir Osman

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii sabtidii ka dhacay Ex-Kaantarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Hadalka Al-Shabaab ayaa yimid saacado un kadib markii hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay barteeda twitter-ka ku sheegtay inay madaxda qaranka u gudbisay warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in dal shisheeye uu “qorsheeyey” qaraxa.

Hadaba maxay ka dhigan tahay in Al-shabaab ay sheegato weerarkan oo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof ?, muxuuse yahay xidhiidhka ka dhaxayn kara sheegashadooda iyo warkii ay hore NISA u soo saartay?

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa arintan ka waraystay Ismaaciil Daahir Cismaan oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka hay’adda NISA, kuna sugan magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxay ka dhigan tahay sheegashada Shabaab ee qaraxa?