Ehellada Suldaan laga xiray Boorama oo dalbaday in lasii daayo

Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal waxaa saddex maalmood ka hor lagu xiray mid ka mid salaadiinta gobolka oo ay saraakiisha amnigu sheegeen inay loo heysto inuu amniga qalqal ku hayay, isagoo kicinayay dadweynaha.

Suldaanka ayaa lagu warramayaa in iminka loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee gobolka Saaxil.

Qaar ka mid ah ehalladiisa ayaa maanta sheegay in Suldaanka xabsi lagu hayo ayada oo aan wax dambi ah lagu soo oogin islamarkaana la horgeyn maxkamad, waxayna dalbadeena in lasii dayao.

Wariyaha VOA-da Haashim Cumar Good ayaa warbixintan ka soo diray Boorama.

Your browser doesn’t support HTML5

Ehello dalbaday in lasii daayo Suldaan laga xiray Boorama