Somaliland iyo Itoobiya oo ka shiray amniga

Somaliland

Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland iyo Itoobiya ayaa shir ku yeeshay magaalada Diridhaba ee Dalka Itoobiya kaasi oo la sheegay in lagaga hadlayay arrimaha nabadgalyada ee labada dhinac.

Shirkan ayaa ah mid saddexdii bilba mar la qabto, oo ujeedkiisu ugu weyn uu yahay in la iska kaashado amniga labada dhinac, gaar ahaan xuduudda.

Warkan waxa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Your browser doesn’t support HTML5

Somaliland iyo Itoobiya oo ka shiray amniga