Baarlamaanka Soomaaliya oo Su'aalo Weydiiyey Wasiiro

Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta uu su’aalo weydiiyay Wasiirka Amniga Maxamed Islow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi, iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamanka oo u yeeray mas’uuliyiintan ayaa weydiiyay su’aalo u badnaa dhacdooyin xiisad xooggan dhaliyay oo ay ka mid ahaayeen xayiraado lagu sameeyay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, duulimaadkii tooska ahaa ee laga mamnuucay magaalada Kismaayo iyo xaaladda guud ee amniga Muqdisho.

Xassan Kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Wasiiro looga yeeray Baarlamaanka