Buuq ka dhashay hadal uu jeediyey C/raxmaan C/shakuur

Abdirahman Abdishakur

Buuq ayaa ka dhashay hadal uu dhowaan jeediyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaasi oo ku jiray muuqaal uu bartiisa facebook soo dhigay 1-dii bishan December.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isaga oo ka hadlaya xuquuqda haweenka sheegay – waa sida uu hadalka u dhigaye – in dad badan oo culimada ka mid ah ay jeebka kala soo baxaan “xadiisyo faalso ah” markii ay rabaan inay dumarka xaqiraan.

Haddaba hadalkaasi ayaa culimada qaarkood ay ka fal-celiyeen iyagoo sheegay inuu gaf ku yahay xadiis saxiix ah. Warbixintan waxaa noo diyaariyey Nuur Xasan Nuur Bukhaari.

Your browser doesn’t support HTML5

Muran ka dhashay hadal uu jeediyey C/raxmaan C/shakuur