Farmaajo iyo Uhuru oo heshiis ku gaaray Nairobi

Uhuru iyo Farmaajo

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay arrimo ay ka mid yihiin in heer caadi ah lagu soo celiyo xiriirka labada dal oo u xumaaday muranka xuduudda badda.

Labada madaxweyne waxay sidoo kale sheegeen in Kenya ogolaatay in ay Soomaalida aadeysa dalkaas ay Visaha ka qaataan garoonka, halka duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairob dib loogu billaabayo toddobaad gudihiis.

Duuulimaadyadaas ayaa iminka soo mara magaalada Wajeer.

Your browser doesn’t support HTML5

Farmaajo iyo Uhuru oo kulmay