Xaaladda Dhuusamareeb oo deggan

Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in xaaladda magaaladu ay maanta xasiloon tahay, ka dib israsaaseyn kooban oo xalay ka dhacday magaalada.

Is-rasaaseyntaasi, ayaa la sheegay inay u dhaxeysay ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya iyo qeyb ka mid ah kuwa Ahlu Sunnah.

Waxaa Is-rasaaseynta ka dib magaalada ka jira dhaq-dhaqaaq ciidan.

Haddaba xaaladda magaalada ayaa wariyeheenna Maxamed Colaad Xasan uu wax ka weydiiyay, wariye Maxamed Cabdi Maxamed oo ka tirsan warbaahinta Dowladda Federalka oo magaalada ku sugan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhuusamareeb oo deggan