Ciidamada dowladda oo Shabaab kasoo furtay xoolo ay dhaceen

Howlgal ay shalay ciidanka milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameeyeen gobolka Gedo ayay kooxda Al-Whabab kaga soo furteen ilaa iyo 300 oo neef oo ari ah.

Xoolahan ayay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab si xoog ah uga qaateen dadka deegaanka iyaga oo ku sheegay zako.

Faa-faahinta howlgalkaas ayuu Nur Xasan Nur ka wareystay, Maxamed Cali Cabdullaahi oo ah abaanduulaha ururka 49-aad ee ciidamada milatariga Soomaaliya qeybtiisa magaalada Baardheere.

Your browser doesn’t support HTML5

Ciidamada dowladda oo Shabaab kasoo furtay xoolo ay dhaceen