Shirka Madasha Iskaashiga oo Muqdisho ka furmay

Shirka Madasha Iskaashiga

Magaalada Muqdishu waxaa maanta ka furmay shirka caalamiga ah ee Iskaahsiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa waxaa la sheegay inay ka qaybgalayaan wakiillo matalaya ilaa 50 dawladood, waxaana markii ugu horraysay lagu qabanayaa Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta shirkan ayaa sheegay in looga hadlayo wixii qabsoomay sannadkii hore iyo qorshaha sannadkan soo socda ee xasilinta iyo arrimaha bani'aadminnimo ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona laba maalmood, waxaana madaxda ka hadli doonta ka mid ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo iyo wakiillada caalamiga ah.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka Madasha Iskaashiga oo Muqdisho ka furmay