5 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay duleedka Marka

Ciidamada

Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaallo xalay ka dhacay duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa billowday kadib markii ciidamada dowladda howl-gallo ka billaabeen duleedka Marka, oo la sheegay inuu ku wajahn yahay ra’iisul wasaare Xasan cali kheyre.

Weriyaha VOA ee Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

5 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay duleedka Marka