Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo mar kale dib u dhacay

Galmudug

Shirkii dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa mar kale uu dib u dhac ku yimid.

Magaalada ayaa waxaa ku suggan inta badan ergooyinka ka qeyb gali lahaa shirka, mana cadda sabata keentay dib u dhaca shirka, inkastoo qabanqaabiyayaasha ay ku sheegeen sababo dhinaca farsamada ah.

Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan Gaalkacyo ka soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo mar kale dib u dhacay