Weerar lagu dilay 5 qof oo ka dhacay Hiiraan

Shabaab

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena way ku dhaawacmeen weerar kedis ah oo shalay ka dhacay degaan u dhow magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Weerarkan ayaa waxaa gaystay ururka Al-Shabaab, waxaana dadka la dilay la sheegay inay ahaayeen maleeshiyaad taabacsan dawladda Soomaaliya.

Taliye ka tirsan ciidamada dowladda ayaa VOA u sheegay in ciidankooda ay tageen goobta uu weerarku ka dhacay, iminkana ay gacanta ku hayaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in raggii weerarka gaystay ay baxsadeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda iyo Amisom ku leeyihiin duleedka degmada Buulo-Burde.

Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Weerar lagu dilay 5 qof oo ka dhacay Hiiraan