Xilliga doorashada Jubaland oo lasoo hormariyey

Xamse Cabdi, guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland

Guddiga doorashada Jubaland garabka uu magacaabay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isbadal ku sameeyay jadwalkii hore ee doorashada.

Qoraal maanta kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in 17-ka bishan ay dhici doonto doorashada guddoonka baarlamaanka cusub halka doorashada Madaxweynahana ay dhici doonto 19-ka bisha.

Waxaa sidoo kale maanta magaalada lagu dhaariyay 75-ka xildhibaan ee cusub ee Jubaland ee garabka ay soo magacaabeen guddiga ay taageersan yihiin mucaaradka.

Dhinaca kale, waxaa maantaa magaalada gaaray wafdi ka socda AMISOM iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Xilliga doorashada Jubaland oo lasoo hormariyey