Dowladda oo baaq loo diray kadib geeridii Yariisow

Yariisow

Qaar ka mid ah mas’uulyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa ka hadlay sida ay u taabatay geeridii naxdinta lahayd ee Alllaha u naxariistee gudoomiyihii gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Yariisow ayaa shalay u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxii 24-kii July lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Xubnahan ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay la timaado qorshe ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho wax looga qaban karo.

Wariyaha VOA, Khadar Mahmuud Xareed ayaa warbixintan kaoo soo direy Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dowladda oo baaq loo diray kadib geeridii Yariisow