Xaaladda Yariisow oo rajo wanaagsan laga bixiyey

Yariisow

Saraakiil u hadashay maamulka gobolka Banaadir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka, islamarkaana ay xaaladdiisu ay ka soo hagaagtay sidii ay shalay aheyd.

Guddoomiye Yariisow ayaa ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay xarunta gobolka oo ay ku dhinteen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka.

Maxamed Colaad Xassan ayaa qaraxii shalay iyo xaaladda gudoomiyaha ka wareystay afhayeenka Gobolka Babaanidir Saalax Xassan Cumar oo fadhiyay hoolka shirka la weeraray dhaawac fududna uu ka soo gaaray.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladda Yariisow oo rajo wanaagsan laga bixiyey