Xildhibaano dalbaday in lasii daayo xubno ay xirtay Puntland

Boosaaso

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ugu baaqay xukuumadda Puntland inay sii dayso guddi isku jira odyaal iyo waxgarad oo ay Puntland xirtay toddobaadkii hore.

Guddigan ayaa ururinayay qaaraan lagu dhisayo waddooyinka magaalada Boosaaso.

Xariggooda ayaa yimid ka dib markii ay lacag ka heleen dowladda federaalka ah Soomaaliya.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jira guddoomiyaha guddiga oo lagu magacaabo Sheekh Maxamed Macallin Axmed oo xalay la xiray.

Xuseen Barre ayaa ujeedada shirka jaraa'id ka waraysatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax oo ka mid ahaa xubnihii qabtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Xildhibaano dalbaday in lasii daayo xubno ay xirtay Puntland