Swan: Doorashada Jubbaland si Xor ah ha u Dhacdo

Wakiilka XGQM James Swan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in deegaannada Jubbaland ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah taasoo ku dhacda wakhtigii loogu talagalay.

James Swan iyo madaxweyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay isku raaceen inaan la soo faragalin doonin arrimaha doorashada Jubbaland, balse taas baddalkeedana loo baahan yahay inay qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah, oo wakhtigeeda ku dhacda.

Your browser doesn’t support HTML5

James Swan oo booqdey Kismaayo