Dhoobley: Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan 3 qof ayaa dhimatey, 3 kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii gaari ay dadkaasi la socdeen miino kula qaraxday duleedka magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, xalay fiidkii.

Dadka dhintey dhammaantood ayaa ahaa dad rayid ah oo la socdey gaariga miinadu ay qabsatay, iyadoo kuwa dhaawacmeyna la geeyay isbitaalka Dhoobley.

Khadka telefoonka ee Dhoobley, waxaa Sahra Cabdi Axmed ugu waramay Nuur Biixi oo ah Isku duwaha wasaaradda caafmaadka ee deegaanka Dhoobley.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Dhoobley