Soomaaliya oo xiriirka u jartay Guinea

Axmed Ciise Cawad

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay dalka galbeekda Afrika ku yaalla ee Jamhuuriyadda Guinea.

Kulan Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku yeesheen Muqdisho ayey go’aankan kaga dhawaaqeen.

Arrintan ayaa xiriir la leh, cillaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo Guinea, inkastoo aysan dowladdu si toos ah carabka ugu dhufan Somaliland.

Dowladda ayaa Guinea ku eedeysay inay ku xadgudubtay qarannimada iyo midnimada Soomaaliya.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Soomaaliya oo xiriirka u jartay Guinea