Tuulada Sabiid ee Gobolka Shabeellada Hoose oo bishii Abril ee sannadkan ay qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa martay marxalado kala duwan.
Waxaa tuuladu ay heshay taageero ku saabsan dib u dhiska guryaha ku burburay qarax ay Al-Shabab ka dambeeyeen, sidoo kale waxaa dadka degaanka loo qaybiyey qalab beereed.
Haatan waxaa degaankaas laga hirgeliyey nalalka ku shaqeeya Cadceedda. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka mid ahaa amas’uuliyiin maanta tagtay degaanka.
Sahra Cabdi Axmed ayaa wareysatay, waxayna ugu horrayn weydiisay xaaladda Sabiid.
Your browser doesn’t support HTML5
Nalalka ku shaqeeya Cadceedda oo laga hirgeliyey Sabiid