Mareykanka oo duqeyn ku dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo lala kaashaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, laga fuliyey magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, 24-kii June.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in weerarada noocan ah loo fulinayo si loogu yareeyo dhaqdhaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka kuwaas oo halis ku ah amniga iyo nabad-galyada shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan jirin shacab ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeynta.

Weerarada beegsiga ah ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya, ayaa AFRICOM ay ku sheegeen in shacabka Soomaaliyeed looga bad-baadinayo dhaq-dhaaqyada kooxaha argagixisada islamarkaana loogu abuurayo fursado maamul sii baaha iyo mid dhaqaale.