Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan shirarka Nairobi

Goodax

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisey shirar maamlaamahn magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga socda qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynayeyaasha Jubaland, Galmudug, xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya iyo siiyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ayaa ku shiraya magaalada Nairobi.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo arrintan ka hadlay isaga oo ku sugan magaalada Baardheere oo uu safar shaqo ku tagay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibsaneyso shirarka ka socda Nairobi.

“Dowlad ahaan, waa na dhibeysaa inaan aragno maamul goboleedyadii oo ku shiraya ninkii budka noo haystay gurgiisa” ayuu yiri.

Wariyaheena Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan nooga soo direy magaalada Nairobi.

Your browser doesn’t support HTML5

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan shirarka Nairobi