Taliyihii booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay iska hor-imaad ka dhacay maanta deegaanka Kala-beyr ee degmada Jawiil gobolka Hiiraan.
Goobta iska hor-imaadka uu ka dhacay ayaa waxay il-dhaqaale u tahay maamulka Hir-Shabeelle waxana lacago canshuur ah looga qaadaa gaadiidka isaga gala goosha gobollada dhexe iyo Itoobiya.
Arrintani waxay daba socotaa muran ka dhashay xil ka qaadis uu madaxweynaha Hir-Shabbeelle ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Warbixin arrintan ku saabsan waxa Baladweyne ka soo direy Xuseen Xasan Dhaqane.
Your browser doesn’t support HTML5
Taliye ku dhintay dagaal ka dhacay Beledweyne