Puntland iyo Shirkadda CCECC oo heshiis kala saxiixanaya
WASHINGTON. D.C —
Maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo Shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha ayaa shalay kala saxiixday heshiis ay shirkaddaasi ku dhisi doonto dekedda Eyl iyo mashaariic kale.
Heshiiskan ayaa yimid kaddib safar uu Shiinaha ku marayo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni.