Nin isku qarxin rabay xafladda Ahlu-Sunna oo la qabtay

Ahlu-Sunna

Ciidamada amniga degmada Guriceel ayaa ka hortagay qof doonayay inuu isku qarxiyo munaasabad ka socotay meel fagaaro ah oo ku taalla degmadaasi.

Sawirro la soo dhigay internet-ka ayaa muujinaya dhowr askari oo qabtay nin la sheegaya inuu doonayay inuu is-qarxiyo.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug, Jeneral Mascuud Maxamed Warsame ayaa VOA u sheegay in ninka la qabtay uu xirnaa jaakad waxyaabaha qarxa lagu xiray, oo uu doonayey inuu is-miidaamiyo.

Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan ka soo diray Beledweyne.

Your browser doesn’t support HTML5

Nin isku qarxin rabay Ahlu-Sunna oo la qabtay