Raggii Caasha Kufsaday oo Dil Lagu Xakumay

Eedeysanayaasha kufsiga Caasha oo maxkamadda jooga

Eedeysanayaasha kufsiga Caasha oo maxkamadda jooga

Maxkamada Darajada Kowaad ee magaalada Garowe ayaa maanta dil toogasho ah ku xakuntay, saddex ka mid ah 10 nin oo loo heystay in ay ka danbeeyeen kufsi iyo dil loo geystay Caasha Ilyaas Aden oo aheyd gabar 12 sano jir ah.

Qaadiga xakunka riday, ayaa amray in la daayo todobada kale ee ka mid ahaa raga ku eedeysnaa dilka iyo kusfiga Caasha, waxaana uu sheegay in xukunka maxkamada uu ka furanyahay racfaan 30 berri ah.

Ragga dilka lagu xakumay ayaa 2 kamid ah ay yihiin Walaalo.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa Garoowe kasoo diray Nux Muse Birjeeb.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso warbixinta oo buuxda


Dhanka kalana,qareenka difaacayay saddexda nin ee lagu xukumay dilka ayaa sheegaya in xukunkaasi uu yahay mid aan loo marin hanaan sharci ah oo cad. Xabiib Cabdullaahi Ciise oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in maamulka uu ku guul darreystay inuu soo helo dadkii geystay dilka Caasha Ilyaas, oo sidaas dareedna lagu been abuurtay ragga la xukamay. Caasho Ibrahim oo kula xiriirtay khadla taleefanka ayuu u faah faahiyay sida uu u arko xukunka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso falcelinta qareenka