Duqeymo xalay ka dhacay gobolka Bari

Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay xalay saqdi dhexe kaddib duqeyeen bartilmaameedyo ku yaalla agagaarka deegaanka Ceelka Camayra oo qiyaastii 260 KM dhinaca bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

Duqeymahan ayaa la rumeysanyahay in lala eegtay fariisimo ay ururada Al Shabab iyo Daacish ku leeyihiin deegaanka Ceelka Cameyra.

Faah-faahinta duqeyntaan ayaa wariyaha VOA-da ee Boosaaso Faduma Yasin ay ka wareysatay Maxamuud Cali Faarax oo ka mid ah xoola dhaqatada deegaanka ay duqayntu ka dhacaday xalay.

Your browser doesn’t support HTML5

Duqeymo ka dhacay gobolka Bari